gudoomiyihii hore ee gobalka gedo oo maanta lagu aasay balad xaawi

14

Allaha u naxariistee godoomiyihii hore ee gobalka gedo maxamed cabdi aadan oo ku magac dheer,(IRIS),ayaa ku geeriyooday magaalada nayriibi ee dalka Kenya iyada oo manta meedkiisa la keenay magaalada balad xaawo waxaama aas qaran loogu sameeyay magaalada B/XAAWO, iyada oo aaskiisana ay ka qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka iyo saraakiisha gobalka gedo.

maxamed cabdi aadan oo ku magac dheer,(IRIS) Waxaa lagu xasuusan doonaa gudoomiyihii ugu wax qabadka badnaa gobalka gedo.

Waxqabadka lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah

: in ka badan 40 kun oo qoys oo ka soo barakacay deegaanada Somali galbeed oo uu dib u dajin ugu sameeyay magaalooyinka buurdhuubo iyo luuq.

. 1987 ilaa 1989 wuxuu ahaa barasaabka gobalka gedo isaga oo xiligaasi gobalka ka hir geliyay mashaariic kala duwan.

. wax yaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa balaarinta kuleejkii garbahareey.

. dhismaha xarunta madaxtooyada gobalka gedo ee magaalada garbahareey.

. dhismaha wadada isku xirta buurdhuubo. Garbahareey isaga oo u sii wado balad xaawo ayaana xilka laga qaaday.

Wuxuu ahaa siyaasi nabadoon ka shaqeeya nabada iyo hormarka gobalka gedo xiliyadii bur burka.