Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Dhagax Dhigay Xarunta Cusub Ee Wasaaradda

50

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada oo ay ku shaqeyn doonaan howl-wadeenada Wasaaradda .

Mashruucaan lagu dhisayo sanduuqa horumarinta Waxbarashada waxaa Wasaaradda ka taageerayo hay’adda Save the children, iyadoo horey sidaan oo kale loogu dhisay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Galmudug.

Axmed Cumar Ibraahim Wakiilka hay’adda Save ee Koofurta iyo bartamaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in Wasaaradda ay ka taageeraan houmarinta Waxbarashada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in dhismaha lagu horumarinayo xarunta Wasaaradda Waxbarashada uu door weyn ka qaadanayo tayeynta shaqooyinka shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Cabdullaahi Goodaxa Barre ayaa u mahadceliyay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada (GPE) iyo Hay’adda Save the Children oo qeyb ka qaatay  dhismaha iyo dayactirka Wasaaradda Waxbarashada, waxaana uu sheegay in dhawaan sidaan oo kale looga dhagax dhigi doono magaalada Baydhabo xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Masuulyiinta kale ayaa waxa ay kormeereen dhismaha xarunta, keydinta xogaha gooobaha Waxbarashada dalka iyo Hoolka loogu talagalay shirarka Wasaaradda oo uu ka socdo dhisme