Madaxda ku shireysa Muqdisho oo isku mari la’ qodobo ku jira heshiiskii Dhuusamareeb-3

25

Waxaa maalintii laabaad galay shirka u dhaxeeya hogaamiyeyaasha dowlad goboledyda, guddoomiyaha gobolka Banadir  iyo madaxweynaha Soomaaliya uga socda madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan ajendihiisu waa arrimaha doorashooyinka dalka oo madaxdu ay isla gorfeynayaan sidii ay waqtigeeda ugu dhici laheyd, iyadoo la isla ogolyahay.

Kulankan oo shalay ahaa mid daah-fur ah ayaa maanta ah mid xasaasi ah, waxaana miiska saaran qodobadii la isku hayey.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiinta qaar ay isku hayaan waxa laga yeelayo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb-3.

Qodobada si aad ah la iskgu hayo ayaa kala ah, cida maamuleysa doorashooyinka dalka, maadaama shirkii Dhuusamareeb lagu go’aamiyey guddiga madaxa-banana ee doorashooyinka Qaranka uu maamulayo doorashada.

Sidoo kale qodobada maanta miiska saaran ee la isku hayo waxaa ka mid ah, “Tirada ergooyinka soo xulaya xildhibaanada, in dowlad goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar deegaan doorasho, in doorashadu dalka oo dhan ay ka dhacdo hal maalin, in doorashada lagu galo hanaanka xisbiyada badan” iyo qodobo kale, kuwaas oo ku jira heshiiska shirkii Dhuusamareeb-3.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kol-hore qaadacay qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb-3, maadaama aysan qeyb ka aheyn madaxdii gaartay heshiiskaas.

Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo kamid ah sarakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka ayaa mar uu la hadlayey KNN waxa uu sheegay in markii la fiiriyo caqabadaha dalka ka jira uusan shirkan waxaba soo kordhi doonin.

Sidoo kale Jeneraal Galaal ayaa soo jeediyay in la dhiso xukuumad wadaag ah, taas oo dalka gaarsiisa doorasho lagu wada qanacsanyahay.