Madaxweyne Waare oo gaaray Baydhaba iyo Qoor Qoor oo ku wajahan

13

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha maamulka ayaa wafdiga madaxweyne Waare ku soo dhaweeyay garoonka Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Baydhaba gaaro madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo haatan ku sugan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socoto waan-waan lagu xalinayo colaada beelo walaalo ah oo halkaasi wada-dega.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa loo gelbiyey madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo kulamo hor dhac ah uu kula yeelanayo madaxweyne Lafta Gareen.

Seddaxda madaxweyne ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa lagu wadaa inay shir ku yeeshaan magaalada Baydhaba, iyagoo ka arrinsa doona xaaladda siyaasadeed ee dalka.