Deni oo DF ku eedeeyay inay ka xanibtay kharashkii loo soo marin jiray iyo imtixaanka guud

9

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in Puntland ay weli ka xannibantahay lacagtii loo soo mariyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Lacagta loo yaqaan Budget-support, oo Baniga Adduunku siiyay Soomaaliya, aysan weli waxba ka soo gaarin Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib markii ay ka xannibtay Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale codsaday in Lacagtaasi loo fasaxo Dowlad Goboleedyada, maadaama ay tahay lacag loogu tala-galay, in la gaarsiiyo Waddanka oo dhan ,si wax loogu fuliyo Arrimaha u baahan Wax ka qabadka.

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay muranka haraysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay ku dhaceen ardaydii ugu badnayn, gaar ahaanna Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Puntland markii ay diidaysay Intixaanka heer Federaal, ay filaysay in ceebtaas iyo mid lamid ah ay ka imaan doonto Imtixaanka, maadaama aysan  jirin manhaj iyo muqarrar midaysan oo loo diyaarshay Ardayda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in laga been sheegay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee heer Federaal, maadaama qaladaad badani ka jiray dhanka Sixitaanka, iyadoo Imtixaanka ay galeen Arday wax ka barta Degaannada Al-shabaab maamusho, oo aysan waxba ka ogaan Karin Dowladdu.

Mr Deni, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladdu Imtixaanka ku ridday Arday badan oo waalidkood dhib iyo Rafaad ka soo mareen in ay waxbartaan, halkii la doonayay in la tayeeyo Waxbarashada.