Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Balcad

16

 

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay waxaa ay dagaal ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe

Goobjoogayaal ayaa Radio Markableey u sheegay in dagaal saacado kooban socday ay Al_Shabaab u suura gashay in ay la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay saldhiga degmada Balcad kasii daayeen maxaabiis aad u fara badan, kuwaasi oo ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadashay Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada.

Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay weeraro ay Al-Shabaab ka fulinayeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.