Furitaanka shirka Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo caqabado badan wajahaya

20

Waxaan illaa hada qabsoomin shirkii seddax geesoodka ahaa ee la filayey in ay yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynayaash Jubbaland iyo Puntland.

Shirkaas ayaa lagu waday in uu Muqdisho ka furmo Khamiistii lasoo dhaafay, balse weli ma furmin, kadib shuruudo ka yimid dhanka labada madaxweyne goboleed.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay shaacisay in saacado gudahood uu ku furmayo shirkaas, balse waa uu baaqday illaa hadana ma qabsoomin.

Furitaanka shirkaan waxaa soo wajahay caqabada waa weyn oo ay kamid tahay arinta Jubaland ee gobalka Gedo oo dowlada federaalka ay isku hayaan gacan-kuheyntiisa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam ayaa dalbaday in dowladda federaalka ay ciidamadeeda ka soo saarto gobalka Gedo, gaar ahaan ciidamadii laga qaaday magaalada Muqdisho.

Dhankiisa madaxaweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ku doodaya in dalka aysan ka jirin xukumad fulisa wixii lagu heshiiyo, taasna ay lamid tahay in madaxweyne Farmaajo wax kasta laga sugayo.

Saciid Deni ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inta ay jogaan in uu magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo fuliya heshiisyada ay wada-gaaraan dhinacyadu.

Xubno ka tirsan madaxtooyada ayaa noo sheegay in kulankii xalay ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe uu hor seeday wax un isu-soo dhawaansho ah, isla markaana uu jiro is faham hordhac ah oo suuragelin kara in horay loo sii ambaqaado wadahadallada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay isku fahmeen in xal ka gaarista arrinta gobolka Gedo u saaraan guddi min hal xubin ah, kuwaas oo ka shaqeynaya farsamo ahaan sidii loo bilaabi lahaa jawi dib u heshiisiin oo dhinacyada Gedo la isugu keeni karo.