Mareykanka oo war ka soo saaray wadahadallada Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni, Axmed Madoobe

4

Safaaradda dowladda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadisay in ay Muqdisho isugu keento madaxda dowlad-goboleedyada.

War qoraal ah oo safaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in aan la hilmaami karin doorkii uu madaxweynaha dowladd goboleedka Galmudug ka qaatay shirkii Dhuusamarreeb3 .

Sidoo kale Mareykanka ayaa madaxda Soomaalida ku boorriyay in ay dhammaystiraan heshiish is afgarad oo balaaran kaasi oo laga gaaro khilaafka salka ku haya arrimaha doorashooyinka dalka.

Hadalka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imanaya iyada oo magaalada Muqdisho ay ka socdaan kulamo horudhac u ah kulanka loa filayo in uu dhex maro madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ku sugan.