Xeer Ilaalinta Guud ee Jubbaland oo sheegtay inay ku raad joogto masuuliyiin ku eedaysan musuq maasuq

29

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in lagu raad joogo xubno uu sheegay in ay sameeyeen arrimo musuq maasuq.

Maxamed Sheekh Cusmaan, ayaa tilmaamay in sharciga la horgayn doono masuuliyiin sar sare, balse uusan magacyadooda shaacin.

Inta la ogyahay waxa uu sheegay oo kaliya Xeer Ilaaliyuhu in aysan jirin cid sharciga ka weyn oo ayna masuuliyiin sar sare oo ka tirsan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland ku raad joogaan.

Sidoo kale lama oga tirada masuuliyiinta ka tirsan maamulka Jubbaland ee uu sheegay Xeer Ilaaliyuhu, waxa ay ku eedeysan yihiin ee ay musuq maasuqeen, cidda dacwadda ka gudbisay iyo magacyadooda intaba .