Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la qaatay taliska, hoggaannada ciidanka xoogga iyo madaxda wasaaradda difaaca dalka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada.
Mahdi Guuleed ayaa saraakiisha kula dardaarmay in la kordhiyo la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo sugi lahaa amniga dalka