Iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Mudug

18

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay Iska hor imaad, kaas oo uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii koox daroogada isticmaasha ay isku dhaceen koox kale oo ka ganacsata daroogada, waxa uuna ka dhacay iska hor imaadkan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiayay Hal ruux ayaa dhintay halka mid kalena uu ka soo gaaray dhaawac, isla markaasina la dhigay xarun caafimaad.

Deegaannada dhaca gobolka Mudug ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay dilalka iyo dagaal beeleedyo dhexmara beelo halkaasi wada dega