Wasiir Goodax oo sheegtay in dhawaan la shaacin doono natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka

11

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Bare oo ka hadlayay kulanka sanadlaha  ee Wasiirka iyo ardyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in bilaawga todobaadka soo socdo ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ah ee imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare ee dalka ,waxuuna uu sidoo kale sheegay inuu imtixaanka ka duwanaa kuwii hore ee u soo qabteen maadaama dalka uu ka jiray saameynta cudurka Covid-19.

Qaar ka mid ah ardayda ku sugnaa kulanka ayaa su,aalo weydiiyay, kuwaasi oo ku aadan tayaynta waxbarashada dalka.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarshada mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sidoo kale ka hadlay Manhajka waxbarashada oo dowladda Juhdi farabadan galisay waxaana uu sheegay in ardayda danyarta la siindoono buugaagta manhajka si ay u helaan fursadooda

In ka badan 34-kun oo ardyad ayaa u fariisaneysa imtixaankii shahaadiga ah ee dowladda, kaasi oo ay qaaday wasaaradda waxbarashada dalka 18-kii bishii julay ee sanadkaan waxaana lagu qabtay 112 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka waa-wayn ee gobollada dalka.