Deni iyo Axmed Madoobe oo ku soo wajahan Muqdisho

291

Madaxweyneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Sida uu qorshuhu yahay madaxweyneyaasha ayaa Muqdisho u imaanaya wadahadalada arrimaha doorashooyinka.

Wada xaajoodkan ay beesha  caalamka garwadeenka ka yihiin ayaa waxaa yeelan doono madaxweyne  Maxamed Cabdullaaho Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in kulanka uu ka dhacayo xerada Xalane, fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta dalalka caalamka ee Soomaaliya.

Ma cadda hadii shirkaan yahay mid ku kooban saddex dhinac ama in ay gedaal kaga soo biiri doonan hogaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo qayb ka ahaa natiijada shirka Dhuusamareeb.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kasoo duulaya caasimada dowladda Puntland ee Garowe, halkaasoo ay maalmihii dambe kulamo ku lahayaeen.

Puntland iyo Jubaland ayaa horey u qaadacay heshiiska aan loo dhameyn ee kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3.

Diidmada labadan maamul ayaa salka ku haysa in dalku lahayn xukuumad rasmiya oo fulineysa heshiisyadda siyaasadeed ee laga gaaro nooca doorashooyinka iyo in Villa Soomaaliya ay burburisay go’aanadii Dhuusamareeb 1 iyo 2.