Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta xukuno riday

20

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku riday ganacsade la sheegay in lagu helay in uu sameystay shirkad u shaqeyneysay sida Bankiyada oo kale, balse aanan shati ka heysan Bankiga dhaxe ee dalka.

Ninka Ganacsada ah oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Axmed Maxamed ( Xaaji Gaaboow) ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka uu kusoo eedeeyay in uu u shaqeynayay sida Bankiyada, iyada oo uusan ka diiwaangelin shirkadiisa dowladda Soomaaliya.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr Cabdiraxmaan Saciid Axmed oo ku dhawaaqay Xukunka ayaa sheegay in Cabdullaahi Axmed Maxamed ( Xaaji Gaaboow) lagu xukumay Saddex Saddex sano oo xabsi ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 920,000 oo Dollar.

Sidoo kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xurriyadiisa dib ugu celisay Ayuub Sheekh Maxamed Amiin, kaas oo ku eedeysnaa in uu lahaa shirkad daabacday warqadda qaan sheegadka oo ay isticmaalayeen Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee dhawaan la xukumay, kadib markii Maxkamaddu sheegtay in dambigii lagu soo oogay lagu waayay.

Garooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr Cabdiraxmaan Saciid Axmed ayaa sheegay in labada xukun ee Maanta maxkamaddu xukunka ku riday ay muddo 30 cisho ah heystaan labada dhinac ee dacwaddu u dhaxeyso inay racfaan ka qaataan.