Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulan la qaatay madaxweyne Qoor Qoor

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa maanta waxaa uu  gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, xildhibaano, wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka uu tagay guddoomiyaha  magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib casuumaad uu ka helay guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug, kaasi oo lagu martiqaaday inuu ka qeyb galo munaasabada  kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi oo caawa lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

Intaa kadib Guddoomiyaha aqalka sare ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Galmudug, waxaa uuna kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku nool magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa ka dhacaysa munaasabad lagu furayo kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug