Deni oo ka hadlay ujeeda loo qabtay shirka Jubbaland iyo Puntland.

58

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo hadal kooban jeediyay, kadib markii uu soo dhammaaday Shirkii Puntland iyo Jubaland uga socday Garoowe, ayaa sheegay in hal ujeeddo loo qabtay Shirkaasi.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Shirka loo qabtay sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Shirku uu ku soo dhammaaday guul, islamarkaana  haatan Puntland iyo Jubaland ay ka midaysan yihiin Mowqifkooda Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha Doorashada soo socota.

Mudane Deni, wuxu dhinaca kale Raja wanaagsan ka muujiyay Shirka qorshaysan in Muqdisho lagu qabto in Heshiis looga gaaro Hannaanka Doorashada Dalka.