Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa waxaa uu kulan la qatay Safiirka Dowlada Qatar ee Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho Hasan Bin Xamsa.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Arimaha Horumarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hay,adaha kala Duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug
Safiirka ayaa sheegay in dowlada Qatar ay Galmudug ka caawin doono dhismaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug si ay uga qeyb qaataan sugida Amniga degaannada maamulkaas.
Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya