Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay in uu Shir ugu yeero Madaxda Puntland & Jubbaland

21

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaa ay dadaal u galeen sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii Magaalada Dhuusamareeb ee Go’aanka looga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, hayeeshee ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland.

Kulankii dhawaan ku dhex-maray Garoonka Muqdisho Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Maamulada, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-Shabeelle & Safiirka Mareykanka ee Muqdisho Amb, Donald Yamamota ayaa lagu soo hadal qaaday in la qanciyo labada Madaxweyne ee Puntland & Jubbaland si heshiiska shirkii Dhuusamareeb 3 uu u noqda mid dhameystiran oo dhaqan gala.

Wararka ay heshay Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in shir uu ugu yeero Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, si looga qanciyo labada Madaxweyne tabashada ay ka qabaan qodobadii kasoo baxay heshiiskii Dhuusamareeb,kadib wada-hadallo hoose oo dhex-maray Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Ka hor kulanka ay yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa waxaa Magaalada garoowe kulan gaar ah ku yeelan doona Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland si ay uga wada hadlaan ajandayaasha ay la tagayaan shirkaasi.

labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay, Guddoonka Golaha Wakiilada, Golihiisa Wasiirada, Ururada Bulshada rayidka iyo Xisbiyada Puntland, isaga oo kala tashanayay arrimo la xiriira ka qeyb-galka shirka uu ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo iyo waxyaabaha ay la tegi doonaan.

Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay ku jirtaa waqti kala guur ah, waxaana jira weli doodo ka taagan arrimaha doorashoyinka Soomaaliya, walow intooda badan go’aano laga gaaray.