Madaxweynaha Galmudug oo tababar u soo xiray ciidamo cusub

24

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar usoo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda
DugsigaTababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb.

Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda & dadkooda kana difaacaan cadowga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen.