Puntland oo ka jawaabtay qoraalkii kasoo baxay Mareykanka

14

Maamulka Puntland ayaa markii u horeeyay ka jawaabay eedeyntii uu Mareykanku u jeediyay xubnihii ka maqnaa shirka Dhuusamareeb-3, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay yihiin ‘qas-wadayaal’.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inaysan garab istaag u muujin doonin xubnaha aan qeybta ka aheyn shirka Dhuusamareeb-3, oo laga soo saaray go’aamo aysan qeyb ka aheyn madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Nuuradiin Aadan Diiriye, oo ah Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Puntland oo arrinkaasi ka jawaabaya, ayaa ereyga ‘qas-wadayaal’ ee uu adeegsaday Mareykanku ku sifeeyay wax macno buuran aan laheyn oo ‘Maalaa-yacni ah’.

Nuuradiin oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sidoo kale ku sheegay inay muhiim tahay in is af-garad laga gaaro doorashada, isla markaana ay tahay xiligii ay saaxiibada caalamku ay fahmi lahaayeen in Soomaalidu ay go’aan gaari karaan.

“Xaqiiqdi waa waqtigii saaxibadeenna caalamiga ahi ay fahmi lahaayeen oo ay si buuxda ugu qanci lahaayen in marwalba ay aheyd Soomaali go’aan ka gaarey geeddi-socodkooda doorashada waqtiyadii la soo dhaafay sidaasna ay ku sii jiri doonaan mustaqbalka. Erayada ‘qaswadayaasha’ (Spoilers) wax macne ah malaha (Maalaa-yacni)” ayuu yiri.

Puntland ayaa 16-kii bishan August si rasmi ah u shaacisay inay qaadacday shirka Dhuusamareeb-3 ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb, ayada oo eedeyn culus usoo jeediyay madaxda dowladda fedeaalka, iyadoo ku xirtay shuruudo adag si ay uga qeyb-gasho shirkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya xili Shirka Dhuusamareeb-3 laga soo saaaray war-murtiyeed, iyada oo ay ka maqan-yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland, midaasi oo meesha ka saareysa in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka.