Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay qaadacadii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

17

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeyb-galay munaasibad lagu soo xirayay Shirka Dhuusamareeb-3 oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayaa ka hadlay qaadacada shirkaasi ee maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay diidmada labadaasi maamul ee ku aadan shirka, wuxuuna sheegay inay kaalin muhiima ku leeyihiin shirweynahaasi, islamarkaana uu aad uga xun yahay maqnaashahooda.

Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan ka maarmin labada maamul ee ka maqnaa shirkaasi, oo iyagu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn shirweyne aan la fulineyn waxyaabihii la iskugu raaco ama laga soo saaro.

“Walaalaheena Puntland iyo Jubbaland waxaa leeyahay madashan waxbaa ku leedihiin dad wanaagsan tihiin, waa nagu fogtihiin waa ka xunahay in aadan imaan oo aadan xaadir ku aheyn” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in shirar kale ay kala soo qeyb-gali doonaan maamulada Jubbaland iyo Puntland, midaasi oo ka dhigan in shirka Dhuusamareeb-3 uu ka dambeeyo shirweyne kale.

“Waxa aaminsanahay inaa dib noogu soo qeyb geli doontaan fikradaha aad qabtaan ma idinka maarano waxaa u baahnahay awoodiina dhinac walba haddii tahay maskax xikmad iyo fikir waxaa idinka codsaneyna ummadda Soomaaliyeed idinka codsaneysaa inaan isku nimaano” ayuu sidoo kale yiri madaxweynuhu.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu qaadacay ka qeyb-galida shirweynaha Dhuusamareeb-3, oo lagu waday in heshiis loo dhan yahay looga gaaro nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka, iyada oo ay kasoo baxeena go’aamo hal dhinac ah oo aan loo dhameyn.

Muranka ka dhashay arrimaha doorashada ayaa xiligan maraya meel xasaasi ah, xili ay si weyn iskugu maan-dhaafsan yihiin saamileyda siyaasadu nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Mana cada in go’aamada kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3 ay noqon doonaan kuwo fula, amase wax ka badal dambe lagu sameeyo, maadama uu madaxweynuhu shirar dambe ka codsaday maamulada ka hor-yimid shirkan.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey gababagada shirka Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay in isaga iyo madaxda Maamul Goboleedyada isla qaateen in laga gudbo qaabkii hore ee qabiilka wax lagu dooran jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in isaga iyo madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qeybgalay shirka Dhuusamareeb isku fahmeyn in loo gudbo nidaamka xisbiyad badan oo doorashada soo socoto lagu geli doono.