Xisbiga Wadani oo si adag uga hadlay xariga Cabdi-Manaan Yuusuf

31

Xisbiga muraacadka ah ee Wadani ee Somaliland ayaa ka hadlay xariga ay xukuumadda Somaliland u geysatay agaasimihii Astaan TV ee deegaanada Somaliland.

Afhayeenka xisbigaas Barqad Jaamac Batuun oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka cabdi qabaan in ciidamada booliska Somaliland ay jir dil u geyteen Agaasime Cabdi-manaan Yuusuf oo mudo u xiran xukuumadda Somaliland.

Afhayeenka ayaa sheegay in agaasimuhu uu ku xiranyahay sharci darro, isla markaana loo diiday inay aragto qof kasta oo xaq u laheyd aragtidiisa, waxuuna ka dalbaday hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo tan saxaafadda inay ka qeyb qaataan sidii xoriyadiisa dib loogu soo celin lahaa Agaasime Cabdi-manaan.