Xildhibaanada golaha shacabka oo si adag u diiday ajandahoodii kulanka maanta

16

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska diiday meel marinta ajandaha kulankooda maanta.

Ajendaha ayaa ahaa marsiinta akhrinta koowaad ee sharciga dembiyada la xiriira ee galmada.

Xildhibaanada ayaa diidmadooda ajandahaas ku saleeyey in sharcigaas uu ku jiro qodob ka soo hor jeeda diinteena Islaamka, iyaga oo dalbaday in wax laga soo bedelo qodobkaas.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka hadlay kulankaas ayaa yiri, “Mudane guddoomiye nooma cuntanto, waxa ku qoran sharcigan oo ay ka mid tahay galmadu way wajiyo badan tahay, caalamka aan maanta ku suganahayna wax badan oo qaab darro ah ayaa ka jira, annaga ilaalinta sharafta diinteena ayaan ku diidnay ajendaha maanta.”

Sharcigaas ayaa waxaa horkeenay xildhibaanada guddiga xaquuqul insaanka ee golaha shacabka, waxaana loo ballamay habeen dambe si looga saaro qodobada diinta Islaamka ka hor imaanaya.