Kenya Airways oo joojisay duullimaadyadeedii Muqdisho

12
Kenya Airways planes are seen parked at the Jomo Kenyatta International Airport near Nairobi, Kenya November 6, 2019. REUTERS/Thomas Mukoya

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyin qaar ka mid ah caasimadaha Afrika oo ay Muqdisho ku jirto.

War saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Kenya Airways ayaa lagu sheegay inay joojisay duullimyaadyada todoba magaalo oo Muqdisho ay ku jirto.

Shirkadan warbixinteeda kuma shaacin sababta ka dambeysa go’aanka ay ku joojisay duullimaadyadeedii magaalooyinkaas, waxaase xusid mudan in weli khatarta Corona ay ka jirto caalamka.

Magaalooyinka ay duullimaadyadoodii iska joojisay diyaaradaas ayaa kala ah, Muqdisho, Bamako, Maputo, Brazzaville, Blantyre, Khartoum iyo Luanda.