Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay wafdi ka socda Shiinaha

21

Wafdi ka socda dalka Shiinaha ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay wakiilla Shiinaha u qaabilsan arrimaha geeska Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo FOCAC Ambassador Zhou Yuxiao.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wafdiga ku qaabilay xarunta madaxtooyada Soomaaliland, isagoo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Xukuumaddiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa uga warbixiyay Ambassador Zhou iyo xubnihii kale ee ku wehliyay Safarkiisa magaalada Hargeysa hawlaha dhanka horumarka ah ee Xukuumaddiisu ka sameysay deegaannada Soomaaliland.

Xukuumadda Muuse Biixi ayaa dadaallo badan waxa ay ku bixineysaa sidii Soomaaliland ay xiriiro caalami ah iyo mid iskaashi ula sameyn lahayd dalalka caalamka.

Dhawaan waxaa magaalada Hargeysa gaaray Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha u fadhiya Ambassador Qian Jian , inkasta oo kulan ay ku madal sanaayeen in uu la qaato madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu u baaqday sababo aan la ogayn.