Siyaasi Farxaan Cali oo ku biiray Siyaasiyiinta doonaya xilka RW Soomaaliya

30

Siyaasi Farxaan Cali Axmed ayaa ku soo biiray Siyaasiinta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo u gudbiyay Sooyaalkooda nololeed si loogu magaacabo Xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee dalka.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in uu ka mid yahay xubnaha ugu cad cad, oo saacadihii ugu danbeeyey ay hadal hayntiisu ay ku badneed Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Farxaan waxa uu ku dhashay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, Waxbarashadiisa heer Jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay dalka Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Koobaad BA (hon) public policy and Management iyo Shahaadada labaad ee Masterka Msc in International Conflict.

Horay wuxuu uga soo shaqeeyey Hay’adaha Samafalka, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo Dowladda, Hadda waa qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Waa khabiir xaga diplomaasiyada oo muda kasoo shaqeeynaayey Qaramada midoobay iyo midawga Afrika,isla markaana la aamisan yahay in uu kasoo bixi karo xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.