– Sababta Safiirka Shiinaha ee Somalia u tegay Hargeysa & kulamo uu wado

18

Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Somalia Amb. Qin Jian ayaa xalay ku hoday Magaalada Hargeysa ee deegaannada Soomaaliland si uu ula kulmao Madaxweynaha Soomaaliland iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Safarka Safiirka Shiinaha uu ku tegay Hargeysa oo aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa kasoo baxaya Warar kala duwan,waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Madaweynaha Soomaaliland uu kala hadli doono xiriirka ay dhawaan Soomaaliland la yeelatay Taiwan oo kamid ah dalweynaha Shiinaha.

Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Somalia Amb. Qin Jian ayaa dhawaan qoraal uu ku baahiyay Twitter-ka ku muujiyay sida Dawladdiisu uga horjeeddo xiriirka Somaliland la samaysay Taiwan.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf ayaa xaqiijiyay in Maanta Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Qin Jian uu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliland iyo madax kale, in kastoo uusan faah faahin waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.