Barakacayaal ku nool degmada Baardheere ee gobalka Gedo oo ka cabanaya xaalad nolol xumo .

66

Qoysaskani Barakacayaasha ah oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 175 qoys ayaa u badan qoysas haysta caruur aad u yar,haween iyo dad kale oo waayeelo ah,waxayna todobaadyadii ugu dameeyey ay ka soo kala barakaceen Deegaano HoosyimaadaGobolkaBay,gaar ahaan deegaanada,Gurbaan,Kurman iyo Xabiibayaal.

Qaar ka mid ah Qoysaskan Barakacayaasha ah ee ku biirey Xerada Barakaca Xabaal cadey eek u taala duleedka Baardheere ayaa waxay sheegeen inay aad ugu dhib qabaan helitaanka Raashin,Hoy ,biyo Nadiif ah iyo sidoo kale adeeg caafimaad.

Qaar ka mid ah Horjoogayasha Qoysaskan ayaa Waxay sheegeen dadkani in xaaladooda nololeeed ay haatan taagan tahay meel halis ah,marar badan ay codsiyo u jeediyeen Hay,adaha Samafalka , islamarkaana weli aanay arag cid kasoo jawaabta baahidooda.

Maxamuud Ibraahin Salaad(Faradheere) oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere ayaa sheegay in hadii dadkaan aan degdeg wax loogu qabana ay imaan karto xaalad ka daran midda ay hadda ku sugan yahiin.
Waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ah in dadkani ay la gaaraan gurmad bini’aadannimo oo ay ugu horreyso dhanka raashinka,Hoyga iyo biyaha maadaama aysan haysan biyo Nadiif ah.

Qoysaskan ayaa ah kuwa noloshooda markii hore ay ku tiirsaneyd wax soosaarka Beeraha iyo Xoolaha,degmada Baardheere ayaa iminka waxaa ku sugan Barakacayaal tiradooda lagu qiyaasey ilaa 4500 oo qoys ,islamarkaana degan ilaa 12 xero.