Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray degmada Cabudwaaq

38

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamal Maxamed Xasan ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ay kamid yihiin Wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa degmada Cabudwaaq kusoo dhaweeyay Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug Cabdi maxamed jaamac (Cabdi Waayeel) iyo Wasiiro kale.

Gudoomiyaha dagmada Cabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa kusoo dhaweeyay degmada wafdiga, isaga oo uga mahad celiyay booqashada ay halkaasi ku tageen,waxaana uu sheegay inay is-xg wareysan doonaan.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, sidoo kalena ay mashaariic ka hirgeliyaan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.