Axmed Madoobe oo sheegay in la bilaabay xalinta Arrimaha Gobolka Gedo

22

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay deegaannada Galmudug isagoo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay labada Madaxweyne ku xigeen guddoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo Shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad celiyay Xukuumada iyo shacabka Galmudug sidii qiimaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii kala duwanayd ee ka qayb-gashay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan halkaas lagu soo gaba gabeeyay.

Waxaa uu Madaxweynahu xusay in wada hadalada iyo kulamada noocan ah oo la joogteeyo ay wax badan ka garayso in loo jihaysto Doorasho la isku raacsan yahay in dalka ay ka dhacdo taas oo hada laga wada shaqaynayo sidii shirarka iyo kulamada arintan lagaga tashanayo ay usii socon lahayeen isla markana hada gudiyo loo saari doono in ay diyaariyaan waxyaabaha diirada lagu saarayo kulanka soo socda ee ka dhacaya Dhuusomareeb.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Doorashada oo xiligeeda ku dhacda ay wax badan ka tarayso geedi socodka Siyaasada iyo hormarka dalkeena isagoo xusay in mudo kororsi ama xiliga Doorashada oo dib loo dhigo ay ka dhalanayso caqabado aan xalkoodu sahlanayn.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in si qoto dheer looga wada hadlay khilaafka ka dhexjiray Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland isla markana la is tusayo in xal waara laga gaaro kala aragti duwanaanta iyo sidoo kale in la dhamayn doono xaalada ka jirta Gobolka Gedo dadka reer Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in howshaas ay ku gacan siiyaan masuuliyiintooda isla markana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa.

Khilaafka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in laga shaqaynayo sidii xal looga gaari lahaa kahor shirka Dhuusomareeb ee soo socda isla markaana farsamo ahaan la bilaabay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka mudada soo jiray.

Madaxdii kala duwanayd ee kulanka Dhuusomareeb ka qaybgashay ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay uga go’nayd in la helo hanaan Cusub oo dib loogu bilaabi karo shirarka noocan oo kale ah.