Dadkii ugu badnaa oo ka barakacay fatahaadaha Afgooye

29

Kumannaan qof oo ka barakacay fataahadda webiga Shabelle ee deegaannada hoostaga degmada Afgooye ayaa sheegaya in aan weli la gaarsiin gurmadka ay u baahanyihiin maadaama ay barakaceen.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegtay in lacag nus milyan dollar ah ay si degdeg ah u gaarsiin doonto deegaannada ay daadadku ku aafeeyeen, hayeeshee taasi aysan weli gaarin.

Axmed Abuukar (Axmed Taangi) oo ka mid ah dadka ku barakacay fataahaddaas Afgooye, ayaa sheegay in ay la daalaadhacayaan fatahaadii Wabiga Shabeelle, isla markaana muddo 13 maalin ah ay dadka ka baracakyaan degmada Afgooye iyo tuulooyin hoostaga.

Waxaa uu sheegay in Wabiga uu inta badan ku fatahay Xaafadaha degmada Afgooye iyo tuuloyin dhowr ah oo hoostaga degmada Afgooye,isla markaana dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay soo wajahday dadka ka barakacay fatahaada.

In ka badan 700 oo Qoys ayaa la sheegay inay ka barakaceen fatahaadaha degmada Afgooye,waxaana Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay dadkaasi u gurman doonaan.