Puntland oo sii daysay saraakiil horey loo xiray

30

Qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Godka siisi ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa KNN u sheegay in qaraxa  lala eegtay Gaariga Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale,hayeeshee uu qaraxa ka badbaaday, Sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin.

Ilaa iyo hada ma jiraan khasaaro ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan booliska degmada Yaaqshiid ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay  taliska booliska Soomaaliya.

Mudooyinkii ugu  dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay qaraxyada miino ee lala eeganayo masuuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona maalmo ka hor qarax uu ka badbaaday wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee xukuumadda Soomaaliya.