Kadib shilkii diyaaradda maxaa maanta ka cusub Garoonka Ugaas Khaliif?

14

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay dib u furmeen duulimaadyadii diyaaradeed, kuwaas oo maalmo ka hor xayiraad uu ku soo rogay maamulka gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa fasaxay in laga qaado xayiraaddii garoonkaasi uu ku soo rogay, waxaana maanta si toos ah u bilowday shaqadii garoonka Ugaas Khaliifa uu qaban jiray, iyadoo dhowr diyaaradood ay isla maanta ka duuleen, qaar kalena ay ku soo degenayeen sidii caadiga ahayd.

Garoonka Ugaas Khaliif ayaa la xayiray 14-kii bishan July ee sanadkaan, kadib markii ay ku dhacday diyaarad gargaar u siday magaalada Beledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in garoonka ay u xayireen, si baritaanno loogu sameeyo waxyaabaha keenay in ay diyaaraddaasi dhacdo,haddana uu soo dhammaaday baaritaankaasi.