Madaxweynaha Soomaaliland oo dalab culus u gudbinaya Maxkamadda sare

25

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ayaa waxaa la iflayaa in saacadaha soo scda uu Maxkamadda Dastuuriga ee Soomaaliland uu u gudbiyo dalab Culus oo ku saabsan inay soo saarto go’aan lagu fsaxayo n tirakoob la’aan la galo doorashada wakiillada iyo deegaanka.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in arrintaan ay kad ambeysay,kadib markii natiijo la’aan uu kusoo dhamaady kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliland, ku xigeenkiisa iyo madaxda xisbiyada siyaasaddu & hoggaanka dhaqanka ee gobalka Awdal, iyaga oo dalbanayay in doorashada lagu galo tirakoob la’aan. Maadaama oo gobalkaas ay ka imaanayso cabashada ugu daran.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa aragti kala duwanaan ay soo kala dhex-gashay hoggaanka dhaqanka taas oo ku aadann aqbalaadda ama diidista baaqaas,iyada oo taasi ay keentay in Madaxweyne Muuse Biixi uu Maxkamadda Dastuuriga uu u gudbiyo in tirakoon la’aan la galo doorashada Wakiillada iyo deegaanka.

Xisbiyada siyaasada Soomaaliland ayaa dhowaan ka heshiiyey khilaafaad u dhexeeyey oo caqabad ku ahaa doorashada,waxaana sidoo kale Madaxda Xisbiga talada haya ee Kulmiyo uu dadaal u galay in tirakoob la’aan la qabto doorashada.

Sannadkii 2005-tii  ayaa maxkamadda sare ee Soomaaliland soo saartay go’aan ah in inta doorashada dambe aan la gaarin la sameeyo tirakoob guud oo lagu salaynayo saamiqaybsiga kuraasta wakiillada. Laakiin 15 kii sano ee doorashadaas ka dambeeyey laguma guulaysan tirakoobkaas.