Faah-faahino ka soo baxaya Boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz oo isbital la dhigay

9

Boqorka 84 jirka ah ee dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa la dhigay isbital ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Riyadh, isaga oo ka gubanaya kaadi haysta, sida ay maanta sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Boqorka oo dalka Sacuudiga xukumayey tan iyo 2015-kii ayaa mari doona tijabaooyin caafimaadka, sida ay sheegtay wakaaladda oo aan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Kadib markii warkan la shaaciyey, ra’iisul wasaaraha Iraq Mustafa al-Kadhimi ayaa hakiyey booqasho la jadwaleeyey inuu ku tago Sacuudiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud.

Boqor Salman ayaa laba san iyo bar ahaa dhaxal-suge laga soo billaabo 2012, kahor inta uusan noqon boqor 2015-kii. Kahor, waxa uu muddo ka badan 50 sano ahaa barasaabka gobolka Riyadh.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo ninka iminka sida dadban dalka u maamula waa wiilkiisa Mohammed Bin Salman.

34 jirkan ayaa waxaa aad u taageera da’ yarta Sacuudiga sababo la xiriir isbedellada uu sameeyey isaga oo fududeeyey qaar ka mid ah xayiraadihii arrimaha bulshada ee ka jiray dalka, kadib markii xuquuq dheeri ah siiyey haweenka, islamarkaana ballan-qaaday isbedel dhaqaale.

Hase yeeshee isbedelladaas ayaa waxaa dhinac socday caburin lagu hayo xubno ka tirsan boqortooyada, dagaalka Yemen ee dadka badan lagu laayey iyo dilkii fadeexadda reebay ee weriye Jamal Khaashuqji oo lagu eedeeyey bin Salman.