DF oo warbixin ka soo saartay xaalad culus oo ka taagan Sh/Hoose

30

Warbixin ay soo saartay wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kumanaan qoys oo ku noolaa degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada Hoose ay saameyn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 qoys, halka tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay guryahooda ka barakaceen 1,500 oo qoys.

Warbixinta ay soo saartay wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 oo qoys ay u barakaceey degaanka Jannaale, waxaana isla deegaanka Janaale ka taagan cabsi ah in webiga Shabeelle uu ku fataho.

Dadka ku nool Awdheegle, Dagwariiri, Cadiimoole, Waagaadi iyo Mishaani ayaa iyagana qaba baqdin la xiriirta fatahaadaha Webiga Shabeelle.