Khasaare ka dhashay Fartahaadda webiga Shabeelle uu ka gaystay Afgooye

25

Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in khasaare uu ka dhashay faratahaadda webiga Shabeelle uu ka gaystay magaalada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in dadka shacabka ah ee degmadaasi ay wajahayaan xaalad adag maadaama magaaladii oo dhami ay buux dhaafiyeen daadkii ka dhashay Fatahaadda webiga.

Waxaa la sheegay in ay ku dhinteen dad shacab ah oo carruur u badan inkasta oo aan la xaqiijin tiradooda.

Djianaca kale dawlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay u gurmashada dadka ku dhibaateysan magaalada Afgooye.

Weibga ayaa sidoo kale waxa uu ku Fatahay tuulooyin iyo deegaanno kale isla gobolka Shabeellada Hoose, isla markaasina ay barakeceen dad shacab ah.