Barakacayaasha degan Xerada Maandeeq ee ku taala duleedka Baardheere oo ka cabanaya Nolol xumo iyo daryeel la,aan(SAWIRRO)

26

Barakacayaasha ku jira xerada barakaca Maandeeq eek u taala duleedka Baardheere ayaa sheegaya inay qabaan baahiyo ay ka mid yihiin cunnada, hoyga ,Biyaha ,shaqada,waxbarashada iyo caafimaadka, iyadoo xaalada Covi 19 kana ay saameyn adag ku yeelatey noloshooda.

Xeradan Maandeeq oo la furey muddo haatan laga joogo ilaa 2 sanno ayaa waxaa degan Qoysas tiradoodu lagu qiyaasey ilaa 1270qoys ,kuwaasi oo u badan kuwa mudo sii horeysay ka soo laabtey Xeryo Qaxooti ee ku yaala dalka Ethopia iyo kuwa kale oo ku xoolo belay abaaraha/

Cabdulaahi Ismaaciil Cabdi oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca Maandeeq oo wareysi siiyey Radiyo Markabley ayaa sheegay Qoysaskan xerdan degan in ay yahiin kuwa markoodii hore abaaro iyo colaado ay kasoo barakaciyeen deeganaadi ay ku noolaayeen ee Gobolka Gedo.

Qoysaskan faraha badan ee aan maanta kula kulmey Xerada Barakaca ee Maandeeq ayaa waxay u muuqanayeen kuwa dhibaateysan,islamarkaana u hanqal taagaya sidii ay u heli lahaayeen gargaar raashinka iyo agabka xagaHoyga.

Aamino Cali waxay ka mid tahay haweenka degan xerada Barakaca Maandeeq,waa hooyo qoyskeedu uu ka kooban yahay ilaa 7 caruur waxayna sheegtay in ay ka mid ahayd Qoysas sanadkii 2018 ka soo laabtey Xerada Qaxootiga Bur aminow ee dalka Ethopia.

Aamino ayaa sheegtay xeradan maandeeq in ayan ku haysan wax nolol ah,iyadoo sheegtayna xilligan nolosheedu in ay ku tiirsan tahay gurista xaabada,beer falka,dhar dhaqida iyo nadaafada guryaha,shaqooyinkaasi oo aan joogtana ahayn .