Xubno ka tirsan Al-Shabaab ah oo lagu dilay Diinsoor

20

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Biirane oo 15 Km u jira Degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Saraakiisha ciidamada xoogga ee dowladda  Federaalka Somalia, ayaa sheegay in dagaalka ay iyagu abaabuleen, islamarkaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shaabab.

mid ka mid ah saraakiisha Militariga soomaaliya oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka ay ku dileen afar dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Sarkaalka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday deegaanka lagu dagaalamay ay gacanta ku hayan ciidamada xoogga dalka soomaaliya

Al-Shabaab iyo Ciidamada Xoogga ayaa marar badan waxaa ay ku dagaalameen Degaanada Hoosta Degmada Diinsoor ee gobalka bay.