Guddoomiye Xaliimo Yarey oo gaartay Dhuusamareeb

19

Guddoomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey ayaa maanta waxaa gaartay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Maamulka Galmudug.

Xaliimo Yarey ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay kulamo gaar gaar ah la leedahay Madaxda Maamulka Galmudug.

Ma cadda in Gudoomiye Xaliimo Yarey ay ku biiri doonto wajiga labbaad ee shirka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee ka dhici doona magaalada Dhuusamareeb kaasi oo looga hadli doono arrimo khuseeya doorashooyinka dalka.