R/wasaare Kheyre oo ka qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay Xasan Abshir Faarax

32

Magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu aasay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Allah u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, iyadoo aaskiisa ay ka qeybgaleen, Ra’iisul wasaaraha dalka, guddoomiyaha golaha Aqalka sare, iyo madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada.

Meydka Ra’iisul wasaare, Xasan Abshir, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, iyadoo madaxweynaha jamhuuriyadda uu ka qeybgalay salaadda Janaazada oo lagu oogay gudaha garoonka ka hor inta aan loo duulin Garoowe.

Xasan Abshir Faarax, ayaa 12 bishan Luulyo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan, waxaa uu wasiirka koowaad ka soo noqday  dowladdii KMG aheyd ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.

Isagoo sidoo kale, soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dowladii kacaanka ka talin jirtay dalka, isagoo noqday xildhibaan qaran.