Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay salaadda janaasada ee meydka Xasan Abshir

22

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan masuyliyiinta kale ee dowladda ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada meydka AUN RW hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Meydka marxuumka ayaa diyaaradu u qaaday magaalada Garoowe halkaas oo lagu aasi doono maanta waxaa ka qeyb galaya aaskiisa guddoomiyaha aqalka sare,ra’iisul wasaaraha dalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo garoowe ku sugan.

Xasan Abshir Faarax, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore sida, ra’iisul wasaare, duqa caasimadda Muqdisho, xildhibaan qaranka iyo xilal kale