Xiisadda Siyaasadeed ee gobolka Gedo oo xaalad Amni darro gelin karta geeska Afrika

34

Xiisadda Siyaasadeed ee gobolka Gedo oo xaalad Amni darro gelin karta geeska Afrika

 

Warbixin ay soo saareen kooxda caalamiga ah ee xasaradaha ee magacooda loosoo gaabsho ICG ayay ku sheegeen in xiisada ciidan ee ka taagan gobolka Gedo ee u dhaxaysa ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland inay keeni karto dhibaato amni oo geeska Afrika saameysa.

 

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in ciidamada labada dhinac oo uu isku dhac ku dhex maray magaalada xaduuda ku taala ee Baladxaawo inuu aad u saameeyay siyaasadda iyo amniga dawladaha gobolka gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya.

 

Kooxda ICG la yiraahdo waxay warbixintooda ku sheegeen in ismaandhaafka ka dhex jira dawlada federalka ah iyo Jubbaland ay si dadban u saameysay dawladaha Itoobiya iyo Kenya oo labada dhinac la kala saftay.

 

Labadaan dawladood ciidamadooda oo ka mid ah hawlgalka midawga Afrika ee AMISOM ayaa haddana dhaqdhaqayadooda gobolka laga dareemay inay labada dhinac lakala safanyihiin taasoo xaaladda sii adkayn karta sida hay’addaan ku doodayso.

 

ICG waxay waxay tusaale usoo qaadatay in dawlada Itoobiya ciidamo tiro badan ku daabushay gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya ku yaala markii sidoo kale dawlada federalka ah ay ciidamo gaar ah gobolkaas geystay .

 

Ciidamada itoobiya waxay toos u taageerayaan kuwa dawlada Soomaaliya waxaana gobolka Gedo laga hoos saaray maamulka Jubbaland halka dawlada Kenyana ay ciidamo dhanka ay xaduuda kala leedahay gobolka Gedo keentay kuwaasoo iyana taageero siinayay ciidamada Jubbaland ee gobolka qeyb ka jooga.

 

Labada dhinacba toos uma ay muujin inay dawlada federalka ah iyo maamulka Jubbaland lakala jiraan hase ahaate waxay baarayaal u sheegeen in ciidamadooda ay sugayaan amniga gobolka si ay uga hor tagaan maleeshiyaadka Al-Shabab.

 

Hay’adda warbixintaan diyaarisay ee xasaradaha dunnida ka faaloota ICG waxay sheegaysaa in sanadkii 2013 ay labada dawladoodba wada taageerayeen in Axmed Madoobe gobolada Jubooyinka Al-Shabab ka saaro hase ahaatee dawlada Itoobiya ayaa hadda u muuqanaysaa inay u wareegtay dhanka dawlada federalka ah.

 

Arrintaan hay’addu waxay sheegaysaa inay hoos u dhigayso dagaalkii Al- Shabab lagula jiro.

 

Khilaafka siyaasadda Jubbaland ee labada dawladood waxaa uu aad usoo ifbaxay markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka celiyeen diyaarad saanad iyo ciidanba waday oo Itoobiya ka timid 2 bishii August sanadkii hore 2019 markaasoo doorasho ka socotay magaalada Kismaayo.

 

Kenya waxay aaminsantahay in r/wasaaraha Itoobiya Abi Axmed uu saaxiib dhaw la yahay M/weynaha Soomaaliya isla markaana uu doonayo in dalka laga baabi’iyo nidaamka federalka ah loona xuub siibto nidaanka dawlad dhexe sida kooxdaan sheegayso.

 

Dhacdooyinka ICG ay soo xigatay waxaa ka mid ah hawlgalkii lagu soo xiray Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa musharaxiintii koofur galbeed oo ay ka qeyb qaateen ciidamo Itoobiyan bishii December sanadkii 2018 iyo ciidamo Itoobiyan oo la geeyay Galmudug dabayaqaayadii sanadkii

 

hore kuwaasoo ka qeyb qaatay sugista amniga doorashadii Galmudug ee uu kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoor.

Hay’adaan labada dawladood waa Kenya iyo Itoobiyee waxay ku eedeeysay ka sokow taageerida siyaaseed in xataa ay saanad ciidan labada dhinac ku kala taageeraan taasoo dhibaato amaan ku ah gobolka oo dhan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma ahayn mid wanaagsan tan iyo markii uusoo baxay sheegashada ay Kenya ku doonayso inay badda Soomaaliya ku qaadanayso waana taas sababta ugu weyn ee u taagerayso maamulka Jubbaland.

Si looga fogaado ami darro gobolka saameysa waxay ICG soo jeedinaysaa in xoog la geliyo xalinta ismaan dhaafka siyaasadeed ee gobolka ka jirta, ayaa lagu soo gebo gebeeyay war bixintan.