Mareykanka oo ka hadlay diyaaraddii shalay ku soo dhacday Beledweyne

7

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa war ka soo saaray diyaaraddii shalay ku bur burtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warkanka ka soo baxay xafiiska Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in nasiib darro ay ahayd soo dhicitaankii ay soo dhacday diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku faraxsan yahay in shilkaasi diyaaradeed aysan ka dhalan khasaare nafeed isla markaasina waxaa loogu mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay badbaadinta shaqaalihii diyaaradda saarnaa.

Diyaaraddan shilka gashay ayaa waxaa la sheegay in ay saarnaayeen raashin gar gaar ah oo ka timid dawlada Mareykanka si uu ugu caawiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu marwalba garab taagan yahay dhammaan Shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed dhinac walbana uu ka taageeri doono.