Guddoomiye Mursal oo ka soo horjeestay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban

34

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxa uu ka soo horjeestay qodob ka mid ah war murtiyeedkii laga soo saaray, shirkii wadatashiga wejigiisii hore ee ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen, madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo la xiriiray nooca doorasho ee dalka ka dhici karta .

Guddoomiye Mursal ayaa tilmaamay, in madaxda maamul goboleedyada dalka aysan go’aan ka qaadan karin, nooca doorasho ee dalka ka dhici kara, isagoo sheegay in arrintaasi ay tahay shaqo u taalla Baarlamaanka dalka go’aan ka qaadashadeeda.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay Guddoomiye Mursal, in marnaba aysan aqbali doonin in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban waqtigan, maadaama sharcigii doorashooyinka ee ay Baarlamaanka dalku horay u ansixiyeen, uu dhigayo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka, malahan dowlad goboleedyada” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan mar uu ka hadlay arrintan