WHO oo shaacisay in cudurka Covid-19 uu caalamka ku sii kordhayo

24

Hay’ada u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in guud ahaan caalamka uu ku sii kordhayo cudurka Covid-19 iyadoo 24kii saac ee ugu dambeysay laga helay cudurkan dad gaaraya 230,370 ruux.

Wadamada Maraykanka,Brazil,India iyo Koofur Afrika ayaa ah wadamada uu ku sii fidiyo cudurkan oo dad badan uu soo ridanayo.

Dalka Maraykanka ayaa 24kii saac ee ugu dambeysay waxaa laga helay cudurka Covid-19 dad gaaraya 66,500 oo ruux. Sidoo kale dalka Hindiya ayaa dad gaaraya 28,637 ruux laga helay 24kii saac ee ugu dambeysay.

Dalka Koofur Afrika ayaa sidoo kale dadkii ugu dambeeyay ee laga helay cudurkan waxa ay gaareen 13,497 ruux iyadoo guud ahaan dalka Koofur Afrika uu cudurkan soo ritey dad gaaraya 264,184 ruux halka ay ugu geeriyoodeen 3,971.

Inkabadan 12.7 milyan oo ruux ayaa laga helay cudurkan Covid-19 halka tirada u geeriyootayna ay ka badan tahay 565,000 oo ruux balse waxaa ka bogsaday dad kabadan toddobo malyan oo ruux sida ay shaacisay Jaamacadda Johns Hobkins ee dalka Maraykanka.