Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odowaa oo digniin adag soo saaray

522

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa digniin culus ka soo saaray dadka isticmaalaha astaanta iyo dareeska ciidamada xoogga dalka.

General Odawaa oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay soo badanayeen shaqsiyaad gaar ah oo isticmaala gaadiid Cabdi Bile ah oo loo ekeeysiiyay kuwa Ciidanka Xoogga dalka isticmaalaan laguna buufiyay Astaanta Ciidamada.

Waxaa uu sheegay Taliye Odayaa in gaadiidka loo ekeeysiiyay kuwa Ciidanka Xoogga ay Arrintaas keeni karto dhibaatooyin badan iyo khatar amni, maadaama xiliyada qaarkood gaadiidka lagu geysto falal amniga lid ku ah.

“Gaadiid loo ekeysiiyay kuwa ciidanka xoogga dalka isla markaana lagu fuliyo waxyaabo aan anshax ahayn uma dulqaadan doono.”ayuu yiri General Odowaa.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in gaadiid aan u diiwaan gashneyn Ciidanka ee lagu arko isaga oo buufsan ay ciidanka si toos ah ula wareegi doonaan.

Sidoo kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa hadlay askar aan ka tirsaneyn ciidanka xoogga dalka ee Isticmaala deriiska dharka ay xirtaan Ciidamada, kuwaasoo u shaqeeya Hay’addo, Shirkaddo iyo meelo kale.

Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in deriiska ay xirtaan ciidanka aysan isticmaali karin qof aan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga, wuxuuna carabka ku dhuftay cidii lagu arko arrintaas tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.