War Murtiyeedka laga soo saaray Shirka Wadatashiga dowlad Goboleedyada

142

War murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirka Wada-tashi ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo shalay ka furmay Dhuusamareeb.

War murtiyeedka oo ahaa 4 qodob, waxaana qodobka ugu muhiimsan uu ahaa in dalka aanu doorasho qof iyo cod ka dhici karin, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada isku afgartaan doorashada ugu munaasabsan.

Sidoo kale shirka waxaa loogu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad goboleedyada ay isugu yimaadaan shir kale, si looga arrinsado farsamada doorasho ku qabsoomi karto waxaana shirkaas lagu balamay inuu ka dhaco isla magaalada Dhuusamareeb

WAR-MURTIYEED

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020.

Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.
Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay

1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha

2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

=======DHAMAAD======