Midowga musharixiinta oo maanta shir yeeshay.

10

Shir ay  maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Midowga Musharraxiinta ayay kaga hadlen arrimo la xiriira geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubno midowga Musharraxiinta , iyagoo shirkooda diiradda ku saaray hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalku aaday.

Dhanka kale, Waxaa la filayaa inay war-murtiyaad kasoo saaraan arrimaha geedi socodka doorashooyinka, talooyinna u jeediyaan golaha wadatashiga ee  shirku uga  socda Muqdisho.