Kooxda Taalibaan oo laga saaray magaalooyin.

15

Ciidamo daacad u ah xukuumaddii xilka wareejisay ee Afghanistan ayaa Jimcihii kooxda argagixisada ah ee Daalibaan dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii.

Warbaahinta bulshada ee taabacsan Maleeshiyada Daalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxayna  sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Daalibaan ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen, iyaga oo intaa ku daray  in arrinkan ay dhabarjebin ku tahay  cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan.

Sargaal lagu magacaabo Cabdul Xamiid, oo kamid ah Sarakiisha hogaamineeyso koox  lamagacbaxday kacdoonka ka dhanka ah Daalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadooda ay qarka u saaran yihiin in ay gacanta ku dhigaan degmo kale, iyaga oo wacad ku maray in ay qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in maleeshiyada Daalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab.